Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.

Igu celi boggaga ugu weyn

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Trump: Ma aaminsani in Shiinaha iyo Ruushku ay Iran caawin doonaan

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan aaminsanayn in Shiinaha iyo Ruushku ay Iran ka caawin doonaan dagaalka, isaga oo sheegay in haddii ay caawiyaan ay taageeradoodu noqon doonto mid aad u kooban.

    Farriin uu ku baahiyay bartiisa bulshada ee Truth Social, ayuu Trump ku qoray in haddii Shiinaha iyo Ruushku ay Iran caawiyaan, taageeradaasi ay noqon doonto mid heerkeedu aad u hooseeyo, balse uusan rumaysnayn in ay sidaas samayn doonaan.

    Waxa uu intaa ku daray in labada dal ay wax badan lumin karaan haddii ay tallaabadaas qaadaan, isla markaana Mareykanku si degdeg ah u ogaan doono haddii ay dhacdo.

    Trump ayaa bishii July sheegay in Shiinaha iyo Ruushku aanay Iran ka caawin doonin dagaal, isaga oo xilligaas uga digay in haddii ay sidaas sameeyaan ay cawaaqib xun kala kulmi doonaan.

    Warar dheeraad ah

  2. Sidee ayaad xilli hore ugu baraarugi kartaa calaamadaha cusub ee dhiig-karka?

    Guud ahaan, dhiigkarka looma heysto xanuun halis ah. Balse bahda caafimaadka adduunka ayaa ka digaya in haddii aan joogto loola socon cudurkan uu sababi karo xanuunno kale oo badan.

    Faahfaahinta ku dhufo lifaaqa hoose.

  3. Sacuudiga oo wajahaya walaac sii kordhaya oo ku saabsan saamaynta dhaqaale ee dagaalka Xuutiyiinta

    Waxaa sii kordhaya walaaca laga qabo saamaynta dhaqaale ee dagaalka Xuutiyiinta Yemen uu ku yeelanayo Sacuudiga.

    Waxaa la saadaalinayaa in wax-soo-saarka guud ee gudaha Sacuudiga (GDP) uu sanadkan hoos u dhici doono 3.6%, iyadoo arrimaha arrintan ka qayb qaadanaya ay ka mid yihiin hoos u dhaca wax-soo-saarka iyo dhoofinta shidaalka, iyo xiritaanka garoomada diyaaradaha.

    Garoomada diyaaradaha ee waaweyn ee Sacuudiga ayaa hakiyay howlahooda ilaa Sabtida soo socota, waxaana sii kordhaya tirada shirkadaha diyaaradaha ee joojinaya duullimaadyadooda ku tagi lahaa dalkaas.

    Weerarrada Xuutiyiinta ayaa sidoo kale carqaladeeyay laba shir oo waaweyn oo ka dhacayay Sacuudiga. Shirarkaas waxaa ka mid ah Shirweynaha Caalamiga ah ee Shidaalka oo Axaddii ka furmay magaalada Riyadh, kaas oo ajandihiisa laga saaray magacyada dhowr mas’uul oo sare oo ka tirsan shirkadaha shidaalka.

    Warar dheeraad ah

  4. Maxay dumarka kaga badan yihiin ragga xanuunka dhanjafka (Migraine), maxaase laga yeeli karaa?

  5. Turkiga oo baarlamaanka u gudbinaya heshiiska difaaca ee Sacuudiga iyo Pakistan

    Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in uu dhawaan baarlamaanka u gudbin doono hindise sharciyeedka ku saabsan ku biirista heshiiska difaaca ee Maka, si loo ansixiyo.

    Recep Tayyip Erdogan ayaa yiri: “Turkigu waxa uu garab taagan yahay Sacuudiga iyo walaalihiisa Sacuudiga, isaga oo ka soo horjeeda weerarrada sharci-darrada ah ee ka baxsan bani’aadannimada.”

    Erdogan ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in dalkiisu uu xoojinayo iskaashiga dhinaca difaaca ee Pakistan iyo Sacuudiga, isaga oo ku salaynaya heshiiska Maka.

    Sacuudiga, Turkiga iyo Pakistan ayaa 6-dii August heshiis difaac oo wadajir ah ku kala saxiixday magaalada Maka.

    Pakistan ayaa ku dhawaaqday in ay ciidamo u dirtay Sacuudiga, si ay uga qayb qaataan difaaca dalkaas.

    Warar dheeraad ah

  6. Wararka oo kooban

  7. Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay karantiishay qof looga shakisan yahay xanuunka Ebola

    Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ayaa shaaca ka qaaday inay karantiil ku samaysay muwaadin Soomaaliyeed oo ka soo safray dalka Congo.

    war-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda cafimaadka ayaa lagu sheegay in qofka la karantiilay la xaqiijiyey inuu la soo safray qof u geeriyooday cudurka Ebola.

    Wasaaradda ayaa intaa ku dartay in qofkan loo gudbiyay xarunta Karantiilka iyo daweynta cudurka Ebola ee isbataalka Forlarniini ee Muqdisho si loo qiimeeyo xaaladiisa caafimaad.

    dhawaan ayay ahad markii dowladda Kenya ay xaqiijisay dhimashada muwaadin Kenyan ah oo ka yimid dalka congo islamarkana qabay xanuunka.

    Waar dheeraad ah

  8. Weerarrada garoonka Riyaad: Xiisadda Bariga Dhexe ma waxay gashay marxalad khatar ah

  9. Shirkadaha diyaaradaha ee Qatar iyo imaaraadka oo joojiyay duullimaadyadii ay ku tagi jireen Sacuudiga

    Shirkadda diyaaradaha ee Etihad Airways ayaa sheegtay in ay joojisay dhammaan duullimaadyadeeda u kala gooshi jiray Abu Dhabi iyo magaalooyinka Riyadh, Jeddah iyo Dammam ee Sacuudiga, illaa toddobaadka soo socda.

    Shirkadda diyaaradaha ee Qatar Airways ayaa iyaduna si ku-meel-gaar ah u hakisay dhammaan duullimaadyadeeda ku tagi jirtay Sacuudiga.

    Xuutiyiinta Yemen ayaa uga digay dalalka kale in ay duullimaadyo ku tagaan Sacuudiga.

    Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Riyadh ayaa la xiray kadib weerarro ay Xuutiyiintu geysteen maalmihii u dambeeyay, kuwaas oo sababay dhimashada dhowr qof.

    Waar dheeraad ah

  10. Xuutiyiinta oo uga digay Mareykanka inay jawaab "xanuun badan" ka bixin doonnaan haddii uu soo farageliyo

    Xuutiyiinta ayaa Maraykanka uga digay in uu wajihi doono “jawaab xanuun badan” haddii uu ku lug yeesho dagaalka Yemen.

    Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP, Sacuudiga ayaa Washington ka codsaday in ay ka caawiso ka hortagga Xuutiyiinta.

    Mohammed al-Bakhiti, oo ka tirsan xafiiska siyaasadda Xuutiyiinta, ayaa wakaaladda u sheegay: “Haddii Maraykanku ku biiro duullaanka ka dhanka ah Yemen, kama labalabeyn doonno in aan go'aan ka gaarno jawaabta aan ka bixinayno. Jawaab degdeg ah oo xanuun badan ayaan ka bixin doonnaa, taas oo lagu beegsan doono Maraykanka iyo dhammaan danihiisa gobolka.”

    Waxa uu sidoo kale uga digay shaqaalaha xarumaha shidaalka iyo garoomada diyaaradaha ee Sacuudiga in ay ka fogaadaan goobahaas, isaga oo sheegay in ay noqdeen bartilmaameedyo sharci ah.

    Habeenkii Isniinta, qarax kale ayaa laga soo sheegay magaalada Riyadh, balse Sacuudiga ayaa sheegay in uu ka hortagay gantaal ay Xuutiyiintu soo rideen.

    Kadib weerarkii ay Xuutiyiintu Sabtidii ku qaadeen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Riyadh, kaas oo ay ku dhinteen 13 qof, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu ka fiirsanayo in Maraykanku ku biiro weerarrada Sacuudiga ee ka dhanka ah Xuutiyiinta.

    Tallaabadan ayaa imanaysa inkasta oo wararku sheegayaan in Trump uu hore u diiday codsiyo gargaar oo uga yimid dhaxal-sugaha Sacuudiga, Mohammed bin Salman.

    Waar dheeraad ah

  11. Arday ayaa la xiray kaddib markii labo macallin lagu toogtay iskuul ku yaal Faransiiska

    Arday ayaa la xiray kaddib markii maamule iyo macallin lagu toogtay iskuul ku yaal koonfurta Faransiiska saakay.

    14 jir ayaa soo galay dugsiga dhexe ee Lakanal oo ku yaal magaalo yar oo 11 mayl bariga kaga beegan Marseille.

    Rasaas ayuu furay kaddibna waxaa qabtay mid ka mid ah shaqaalaha sida ay warbaahinta Faransiiska u sheegeen saraakiisha deegaanka.

    Ma jiro cunug ku dhaawacmay marka laga reebo macallimiinta oo dhaawacoodu uusan halis aheyn.

    Sida uu sheegay duqa magaalada Aubagne oo ah halka uu ku yaal iskuulka, eedeysanaha ayaa ah arday dhigta fasalka 11-aad.

    Xafiiska dacwad oogaha Marseille ayaa bilaabay baaritaan la xiriira toogashada sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska.

    Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in aan loo malaynayn in dhacdadan ay xiriir la leedahay dibadbaxyada dugsiyada, iyadoo soo xiganaysa ilo-wareedyo xog-ogaal u ah baaritaanka.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  12. Qaboojiyeyaasha dukaamada waaweyn ee Faransiiska ayaa weerar internetka ah lagu qaaday

    Weerar dhanka internetka ah oo weyn oo ka dhacay Faransiiska ayaa sababay in qaboojiyeyaasha dukaamo waaweyn oo dalka ku yaal ay istaagaan, taasoo keentay in la burburiyo cuntooyin keydsanaa iyo kuwa ku jiray qaboojiyeyaasha.

    Sida la soo sheegay, kooxda soo qaaday weerarka Internetka waxay ku guuleysteen in ay meel fog ka hagaan qaboojiyeyaasha, iyagoo bartilmaameedsaday nidaamyada xakamaynta ee shirkadda maamusha barnaamijka kombiyuutarka ee hawshaas loo adeegsado.

    Ilaa 200 oo dukaan ayey dhibaato soo gaartay. Agaasimaha guud ee shirkadda Cooperative ayaa weerarka ku tilmaamay mid “aad u culus, oo aan horay loo arag, isla markaana aan la aqbali karin.”

    Xafiiska Xeer-ilaalinta Paris ayaa sheegay in uu bilaabay baaritaan. Gobolka Alsace, laba dukaan oo waaweyn oo kaliya ayaa sheegay in khasaaruhu ka badan yahay 300,000 oo doolar, iyadoo laga digay in khasaaraha guud ee dalka oo dhan uu gaari karo malaayiin doolar.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  13. Saraakiisha hay'adda socdaalka Maraykanka oo baaray guriga Ilhan Cumar

  14. Garoonka diyaaradaha Riyadh ayaa hakiyay duulimaadyada

    Guud ahaan duulimaadyada dalka Sacuudiga ayaa si weyn loo carqaladeeyay iyadoo Xuutiyiintu ay sii wadaan weerarada gantaalada ay ku ridayaan dalkaas.

    Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Riyadh ayaa maalintii labaad hakiyay ku dhowaad dhammaan duulimaadyada, kaddib markii lagu soo qaaday saddex weerar oo dhimasho sababay maalmihii la soo dhaafay.

    Afhayeenka isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ee ka dagaallamaya Yemen ayaa sheegay in ay dabagalayaan khatarta ka imaneysa gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

    Mar sii horeysay, wuxuu sheegay in gantaal nooca ballistic-ga ah oo lala beegsaday magaalada Khamis Mushayt ee koonfur-galbeed la qabtay, lana burburiyay.

    Dhowr ka mid ah madaxda sare ee shirkadaha caalamiga ah ee tamarta ayaa laga saaray jadwalka shir weyn oo arrimaha tamarta ah ee ka dhacaya Riyadh.

    Dhanka kale, wararka ka imaanaya Yemen ayaa sheegaya in uu sii xoogeystay dagaalka ka socda magaalada Taciz, kaas oo go’doon geliyay ciidamada Xuutiyiinta. Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay xaaladda dadka magaalada ku nool. Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) wuxuu ka digay masiibo bani'aadannimo.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  15. Xadgudub galmo oo loo geystay dad naafo ah, oo gilgilay Koonfurta Kuuriya

  16. Baghaei: Hadii Hormuz uu furan yahay, maxay Maraykanku ula xiriireen Ruushka?

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa ku jeesjeesay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, isagoo yiri, "Haddii marinka Hormuz uu furan yahay, maxaa keenay in Mareykanku naafto u doonto Ruushka?

    Baghaei ayaa ula jeeday hadalkiisa heshiiska uu Ruushku naafta uga iibinayo Mareykanka kaas oo dhawaan uu ku dhawaaqay madaxewyne Donald Trump.

    Baghaei, oo la hadlayay weriyeyaasha intii lagu guda jiray shirkiisa jaraa’id ayaa sheegay in sheegashada Mareykanka iyo xaqiiqda jirta ay kala duwan yihiin. Wuxuu intaas ku daray, way sheegan karaan in marinkani uu waayay muhiimaddiisii ​​ama in Iran ay weyday awooddii ay ku saameyn jirtay xaaladda, balse annagu waxaan sameyn doonnaa wixii noo gaar ah."

    “Sheegashooyinkaas ma quseeyaan suuqyada, xaqiiqda ah in Mareykanku uu u weecday dalal kale si ay shidaal u helaan ayaa wax kasta sheegeysa” ayuu yiri Baghaei

    Sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran, "Inta ay Maraykanku sii wadaan xayiraadda dhanka badda iyo tan dhaqaalaha ee ay saareen Iran, amni kuma soo laaban doono marinka Hormuz."

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  17. Dhawr calaamadood oo aad fiirin karto si ogaato in ilmahaagu kansar qabo iyo inkale

  18. Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay in uu jawaab adag ka bixinayo weerarada Xuutiyiintu ku qaadeen garoomada diyaaradaha

    Wasiirka tamarta Sacuudi Carabiya ayaa ballanqaaday in jawaab “adag” laga bixin doono weerarrada dhimashada badan sababay ee Xuutiyiintu Yemen ee Iran taageerto ku qaadeen garoomada diyaaradaha iyo xarumaha shidaalka boqortooyada.

    “Dhacdooyinkii toddobaadyadii la soo dhaafay waa kuwo culus. Jawaabteeduna waa in ay noqotaa mid culus oo u dhiganta,” ayuu Amiir Cabdulcasiis bin Salmaan ka sheegay shirweynaha WPC ee ka dhacay magaalada Riyaad.

    Axaddii, nin u dhashay Pakistan ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday garoonka Caalamiga ah ee King Khalid ee caasimadda, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Sacuudiga.

    Weerarkaas ayaa dhacay maalin kaddib markii gantaal ay Xuutiyiintu rideen uu ku dhacay qeyb kale oo garoonka ah halkaas oo ay ku dhinteen 13 qof, taas oo keentay in qeybtaas la xiro.

    Xuutiyiintu waxay sheegeen in weerarradaas ay u qaadeen aargoosi ay kaga jawaabayeen “gardarrada arxan-darrada ah ee Sacuudigu” kula kacayo deegaannada ay ka taliyaan ee galbeedka Yemen.

    Wasaaradda caafimaadka ee ay maamulaan Xuutiyiintu ayaa sheegtay in ilmo uu ku dhintay, lix qof oo kalena ay ku dhaawacmeen duqeyn cirka ah oo Sacuudigu Axaddii ku qaaday guri ku yaalla caasimadda Sanca.

    Isbahaysi uu Sacuudigu hoggaaminayo ayaa taageero dhinaca cirka ah siinayay ciidamada dowladda Yemen, kuwaas oo Xuutiyiinta kula dagaallamaya xeebaha Badda Cas iyo deegaanno kale.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  19. Zelensky ayaa aqbalay dhawaaqistii lama filaanka ahayd ee Trump

    Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa si cad u sheegay in hadalkii madaxweyne Donland Trump uu lama filaan ku noqday, isla markaana Ukraine aysan ku heshiin arrintaas, inkasta oo madaxweynaha Maraykanku uu sidaas ku dhawaaqay.

    Si kastaba ha ahaatee, wuxuu mar kale xaqiijiyay in Ukraine ay diyaar u tahay in ay joojiso weerarrada ay ku hayso warshadaha sifeynta saliidda ee Ruushka. Wuxuu kaloo sheegay in uu rajeynayo in Ruushku joojinayo weerarrada kale oo lagu qaado shabakadda tamarta ee Ukraine.

    Zelensky wuxuu ka hadlay dhibaatada dadkiisu soo gaartay xilliyada qaboobaha ee la soo dhaafay iyo waxa ay la kulmi doonaan bilaha soo socda.

    Zelensky wuxuu ka faa’iidaystay fursaddan si uu u yareeyo cadaadiska saaran shacabka Ukraine si ay suuragal u noqoto in la qaado tallaabooyin dheeraad ah oo lagu qaboojinayo dagaalka.

    Wuxuu kaloo doonayaa in uu muujiiyo in uu yahay hoggaamiye daacad ah oo xal doon ah. Wuxuu rajaynayaa in tani ay gacan ka geysato hagaajinta xiriirka kala dhexeeya Donald Trump, isla markaana aan lagu eedeyn Ukraine hadii xabadjoojintu socon weyso.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  20. Dadka Ukraine oo mar kale wajahaya koronto la’aan, ka dib weerar uu Ruushak fuliyay

    Dadka Ukraine ayaa mar kale wajahaya koronto la’aan, kaddib markii Ruushku uu weeraray xarumaha korontada, inkasta oo madaxweyne Donald Trump uu ku dhawaaqay waxa uu ku tilmaamay xabbad-joojin la xiriirta weerarrada ka dhanka ah kaabayaasha tamarta.

    Moscow weli kama hadlin arrintan, halka Ukraine ay markii hore muujisay layaab ku aaddan ku dhawaaqista Trump.

    Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay inuu u baahan yahay faahfaahin dheeraad ah, balse uu taageeri doono xabbad-joojinta haddii Ruushku isaguna oggolaado.

    Xiriirka u dhexeeya Zelensky iyo Trump ayaa sii xumaanayay, iyadoo madaxweynaha Mareykanku uu isku dayayo inuu hoos u dhigo qiimaha shidaalka iyo naaftada ka hor doorashooyinka dhexe ee Mareykanka.

    Trump ayaa Kyiv ku boorriyay inay joojiso bartilmaameedsiga kaabayaasha tamarta ee Ruushka. Sida ay wararku sheegayaan, wuxuu sidoo kale ku hanjabay inuu joojin doono la wadaagista Ukraine xogaha sirdoonka, iyo sidoo kale taageerada la xiriirta soo iibinta hubka.

    Dadka Ukraine ayaa mar kale wajahaya koronto la’aan,

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto: