Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.

Igu celi boggaga ugu weyn

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Hay’adda sirdoonka MI5 oo ka digtay khataro amni oo laba dal ku yihiin UK

    Hay’adda sirdoonka gudaha ee Britain, MI5, ayaa ka digtay in argagixisada garabka midig ee xagjirka ahi ay sii kordhayso khatarteedu. Hay’addu waxay sheegtay in gaar ahaan dhallinyaro ay qorsheeyeen weerarro lagu qaado masaajidda iyo goobaha la xiriira socdaalka.

    Madaxa hay’adda, Ken McCallum, ayaa arrintan ka hadlay khudbaddiisa sannadlaha ah, isaga oo faahfaahin ka bixiyay caqabadaha kala duwan ee khatarta ku ah amniga Britain iyo kan caalamka.

    Waxa uu sheegay in argagixisadu ay durba adeegsanayso garaadka macmalka ah (AI), isla markaana ay suuragal tahay in tiknoolajiyaddan ay kooxahaasi u adeegsadaan horumarinta hubka bayoolojiga ah.

    Waxa kale oo uu ka digay khataraha uga imanaya dowladaha shisheeye, Sir Ken McCallum ayaa sheegay in khataraha uga imanaya cadowga shisheeye ay afar jibbaarmeen tobankii sano ee la soo dhaafay. Waxa uu Ruushka ku tilmaamay “cadowga ugu weyn ee gardarrada wada”, isaga oo sidoo kale xusay kororka falalka gardarrada ah ee lala xiriirinayo Iiraan, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo goobaha Yuhuudda iyo saldhigyada milatari.

  2. Xanuunka halista leh ee ay soo dadajiyaan waxyaabo ay Soomaalidu Isticmaasho

    Xanuunka Istarooga ama dhan qalalku waa natiijo ka timaada waxyeelo maxkasda ah, kaas oo ku dhaci kara waqti kooban gudahiis. Waxaa suura gal ah in qofku dareeemo kabuubyo gacmaha iyo lugaha ah, iyo hadalka oo googa’aya taas oo u baahan inaa dhaqtar la xiriirto.

    Xanuunkan ayaa ka dhex dhacaa maskaxda iyo xididida waraabiya, kuwaas sababa in xididadu xirmaan ama dilaacaan. Inta badan 85% waxaa keena xididada xirma oo ah kuwa ugu saamaynta xun, sida ay qabaan dhaqaatiirtu.

    "Maskaxda waxay leedhaay unugyo yar yar oo nool oo loo yaqaano Neurons kuwaas waxaa loogu yeeraa askarta shaqaynaysa, waxaana lagu qiyaaso boqol bilyan oo unug balse waxaa ka badan kuwa iyaga ilaaliya ee ka shaqeeya ilaalinta kuwa shaqayna si ay u helaan daryeel," ayuu yiri Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo ka mid ah dhaqaatirta Soomaalida.

    DHaqtar Gaboose ayaa sharraxay in guud ahaan unugyada maskaxda ay u sameysan yihiin qaab ay isku caawin karaan.

    "Maskaxdu waxay ledahay kayd ka yar kuwa murqaha jirka oo haddii ay waydo dhiiga waxaa durba bilowda dhimashada xididada," ayuu yiri Dr Gabboose.

  3. Weerarka garoonka Riyaad: Xiisadda bariga dhexe ma waxay galaysaa meel qatar ah?

  4. Maxaan ka ognahay xarunta shidaalka Al-Sabaha oo Sacuudigu beegsaday gudaha Yemen?

    Magaca xaunta Dhexe ee Shidaalka Al-Sabaha, oo ku taalla galbeedka caasimadda Yemen ee Sanca, ayaa soo baxay Talaadadii, kaddib markii isbahaysiga milatari ee uu Sacuudi Carabiya hoggaamiyo uu dadka rayidka ah ka codsaday inay goobta ka baxaan, si loogu diyaar garoobo waxa uu ku tilmaamay “hawlgal gaar ah” oo lagu qaadayo shirkad shidaal oo halkaas ku taalla. Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan nooca xarunta iyo muhiimaddeeda.

    Xaggee ayuu saldhiggu ku yaallaa, maxaase shaqadiisu tahay?

    Xarunta Dhexe ee Shidaalka Al-Sabaha waxay ku taallaadeegaanka Al-Sabaha, galbeedka magaalada Sanca, wuxuuna ka mid yahay xarumaha Shirkadda Shidaalka Yemen.

    Macluumaadka la daabacay ayaa tilmaamaya in xaruntan loo adeegsado kaydinta waxyaabaha shidaalka laga sameeyo, oo ay ku jiraan shidaalka baabuurta, isla markaana ay qayb ka tahay nidaamka shidaalka lagu gaarsiiyo suuqa gudaha.

    Waa maxay muhiimaddiisu?

    Muhiimadda xaruntan waxay ka timid doorka ay ku leedahay kaydinta iyo qaybinta shidaalka ee Sanca iyo deegaannada ku xeeran. Hawlaha maalinlaha ah, gaadiidka iyo adeegyada kala duwan ayaa ku tiirsan helitaanka shidaalka.

    Beegsiga xarumaha lagu kaydiyo laguna qaybiyo shidaalka wuxuu saameyn ku yeelan karaa sahayda shidaalka, iyadoo ku xiran baaxadda khasaaraha iyo awoodda lagu buuxin karo baahida iyadoo shidaal laga keenayo ilo kale.

    Hase yeeshee, ma jiraan xog madax-bannaan oo ku filan oo lagu ogaan karo inta shidaal ee hadda ku kaydsan xaruntan ama awooddeeda saxda ah ee hawlgal.

  5. Warar hor leh oo ka soo kordhay Yemen kaddib digniintii Sacuudiga

    Telefishinka Al-Masirah ee xiriirka la leh kooxda Xuutiyiinta ayaa Talaadadii sheegay in Sacuudi Carabiya ay duqeysay shirkad shidaal oo ku taalla deegaanka Al-Sabaha, galbeedka magaalada Sanca, kaddib markii ay soo saartay digniin dadka loogu sheegayay inay goobta ka baxaan ka hor inta aan la duqeyn.

    Telefishinka ayaa soo xigtay ilo aan la magacaabin oo yiri: “Gardarro Sacuudi ah ayaa beegsanaysa shirkadda shidaalka ee Al-Sabaha, galbeedka Sanca.”

    Mar sii horreysay oo maanta oo Talaado ahayd, isbahaysiga milatari ee uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa dadka rayidka ah ka codsaday inay ka baxaan xarun shirkad shidaal oo ku taalla duleedka galbeed ee caasimadda Yemen ee Sanca, si loogu diyaar garoobo waxa uu ku tilmaamay “hawlgal gaar ah oo bartilmaameedkiisu yahay mid muhiim ah”.

  6. Madaxtooyada Turkiga oo war ka soo saartay wadahadallo dhexmaray Erdogan iyo dhaxal-sugaha Sacuudiga

    Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa manata oo Talaado ah khadka telefoonka kula hadlay dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed bin Salman, isaga oo u sheegay in Turkigu garab istaagi doono Sacuudiga, xilli ay sii socdaan weerarrada maleeshiyada Xuutiyiinta Yemen.

    Sida uu sheegtay xafiiska madaxtooyada Turkiga, Erdogan ayaa si adag u cambaareeyay weerarrada Xuutiyiinta, isaga oo dhaxal-sugaha Sacuudiga u sheegay in “caqabadahan laga gudbi doono”.

    Turkiga oo xubin ka ah gaashaanbuurta NATO iyo Pakistan oo ah dal haysta hubka nukliyeerka, ayaa bishii Agoosto kala saxiixday heshiis difaac oo labada dhinac ah. Heshiiskaas ayaa dhigaya in weerar lagu qaado midkood loo arko weerar lagu qaaday labadooda.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akrin karto:

  7. Khatar laga digayo dalka Sudan oo la shaaciyey

    Halista macluusha ayaa ka kordheysa qeybo kamid ah dalka Suudaan oo ay aafeysay dagaalkii sokeeye ee saddexda iyo bar-ka sano ah.

    Hay'adda IPC, oo ah dadaal Qaramada Midoobay la xiriira oo la socda dhibaatooyinka cuntada ee adduunka oo dhan, ayaa sheegtay in gaajada iyo nafaqo-xumada ay kasii darayaan gobollada Darfur iyo Kordofan.

    Abaaraha daran iyo garaadka gargaarka ayaa sii kordhinaya saameynta dagaalka. Khilaafku wuxuu ku qasbay malaayiin qof inay ka qaxaan guryahooda.

    Dad badan ayaa ku nool xeryaha barakacayaasha oo ay cuntadu ku yar tahay. Warbixintu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah loo kordhiyo gargaarka. Balse dhimista loo sameeyay hay'adaha gargaarka ayaa xadidaysa caawinta ay bixin karaan.

  8. Sida xayawaanka dhilqaha uu u sababay in la hakiyo dulimaad diyaaradeed oo caalami ah

  9. War ka soo kordhay Iiraan oo uu baahiyey Wargeyska Wall Street Journal

    Wargeyska The Wall Street Journal, oo soo xiganaya ilo xog-ogaal ah, ayaa sheegay in Iiraan ay xoojinayso awooddeeda difaac, abaabulayso taageerayaasheeda, isla markaana ku hanjabtay inay jawaab ka ballaaran kana daran ka bixin doonto Mareykanka iyo xulafadiisa ku sugan Gacanka Faaris.

    Sida lagu sheegay warbixinta, Tehran ayaa isu diyaarinaysa suurtagalnimada weerarro Mareykanku ku qaado kaddib doorashooyinka dhexe ee Mareykanka, waxayna tallaabooyinkan u adeegsanaysaa sidii ay uga hortagi lahayd weerarradaas.

    Doorashooyinka dhexe ee Mareykanka ayaa la qaban doonaa toddobaadka ugu horreeya ee bisha Nofeembar.

    Saraakiisha Iiraan ayaa hadallo ay si fagaare ah u jeediyeen iyo wada-hadallo gaar ah oo ay la yeesheen mas’uuliyiinta gobolka uga digay in haddii Mareykanku qaado weerarro cusub, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay sii kordhin doonto xiisadaha guud ahaan Bariga Dhexe.

    Wargeysku wuxuu sidoo kale sheegay in sawirrada dayax-gacmeedyadu muujinayaan in Iiraan ay xoojinayso goobo xasaasi ah, oo ay ku jiraan xarumaha nukliyeerka iyo deegaannada xuduudaha, si ay uga dhigto kuwo u adkaysan kara weerarrada.

    Wargeysku wuxuu intaas ku daray in hadalladan kulul ee saraakiisha Iiraan ay noqon karaan isku day lagu doonayo in “dareenka laga jeediyo” xaaladda dhaqaale ee sii xumaanaysa ee ay dadka reer Iiraan la tacaalayaan, gaar ahaan iyadoo Mareykanku uu adkeeyay cunaqabataynta ka dhanka ah dalkaas.

    Mohsen Rezaei, oo ah xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iiraan, ayaa Axaddii, 9-kii Oktoobar, ku hanjabay in haddii Mareykanku mar kale weeraro, ciidamada milatariga Iiraan ay beegsan doonaan “fiilooyinka gudbiya xogta, xarumaha xogta iyo xarumaha garaadkamacmalka ah (AI)” ee Bariga Dhexe.

    Warbixintu waxay sidoo kale xustay dadaallo lagu doonayo in dadka loogu diyaariyo dagaal cusub, kuwaas oo ay ka mid yihiin tababarrada milatari iyo xitaa in ciidamo milatari oo aan ka tirsanayn ciidamada joogtada ah loo diro xannaanooyinka carruurta si ay ugu akhriyaan sheekooyin dagaal.

  10. Israa'iil ma waxay muran kala dhex dhigtay Turkiga iyo waddan uu saaxiib dhaw la yahay muddo dheer?

  11. Laanqayrta Cas ayaa ka digtay cawaaqib “masiibo ah” oo ay dagaallada sii socda ee Bariga Dhexe ku yeelanayaan dadka rayidka ah

    Ururka Laanqayrta Cas ayaa Talaadadii ku baaqay in si degdeg ah loo dejiyo xiisadaha Bariga Dhexe, isaga oo ka digay in dagaallada sii socda ay “masiibo” ku noqon doonaan tobannaan milyan oo qof oo rayid ah.

    Dagaalka Yemen ayaa mar kale dib u qarxay bishii Luulyo, bilo kaddib markii uu bilowday iska horimaad ballaaran oo gobolka ka socda, kaas oo gilgilay suuqyada tamarta, isla markaana Bariga Dhexe geliyay xaalad qalalaase ah.

    “Dadka rayidka ah ayaa bixinaya qiime aan la aqbali karin, taas oo ka dhalatay hawlgallada milatari ee Bariga Dhexe,” ayay tiri Mirjana Spoliaric, madaxweynaha Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas.

    “Dhimashada, dhaawacyada iyo burburka dhowaan ka dhacay Sacuudi Carabiya ayaa tusaale kale u ah khasaaraha ba’an ee dagaalladu u geysanayaan dadka rayidka ah,” ayay ku sheegtay bayaan ay soo saartay.

    Madaxweynaha Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas ayaa intaas ku dartay: “Yemen gudaheeda, tirada dhimashada, barakaca iyo burburka kaabayaashii rayidka, oo ay ku jiraan kuwa ku yaalla Cadan iyo Sanca, ayaa si walaac leh u sii kordhaya. Guud ahaan Bariga Dhexe, kaabayaasha rayidka ayaa marar badan la bartilmaameedsaday, waxaana ku naf waayay dad badan.”

    Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa toddobaadkii hore shaacisay in in ka badan 200,000 oo qof ay ku barakaceen gudaha Yemen tan iyo markii uu dagaalku billowday.

  12. Ilhaan Cumar: "Waan ku faanaa hiddahayga Soomaaliyeed, taasina maaha wax ay iga qaadi karaan"

    Muddo-xileedka labaad ee Madaxweyne Trump, marka kale waxaa la arkay hadallo ay warbaahinta isku dhaafsanayaan isaga iyo xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka Kongareeska Maraykanka kana soo gasha gobolka Minnesota.

    Ilhaan oo asal ahaan ka soo jeedda Soomaaliya ayuu Trump ku dhaliilay inaysan u sheegi karin sida dal loo maamulo iyadoo ka soo jeedda sida uu ku qoray bartiisa Social Truth ''dal sabool ah oo ay colaado ragaadiyeen isla markaana isku dayaysa in Maraykanka ay barto sida wax loo maamulo".

    "Dalka Ilhaan Cumar ka soo jeeddo ee Soomaaliya, wuxuu la daalaa dhacayaa dawlad-dhexe oo daciif ah, saboolnimo joogto ah, gaajo, argagixiso mar kale soo kacaysa, budhcad-badeed, tobannaan sano oo dagaal sokeeye ah, musuqmaasuq, iyo rabshado baahsan. Boqolkiiba 70 shacabku waxay ku nool yihiin saboolnimo aad u daran waxayna wajahayaan amni-darro iyo cunto yaraan baahsan."

    Waa markii labaad ee Madaxweyne Trump uu duro dalka gabadhan ka soo jeeddo isagoo ereyo u ek sidaas oo kale sheegay intii uu u taagnaa xilka madaxweynaha muddo-xileedkiisii koowaad.

  13. Trump oo hadal la yaab leh ka sheegay dilkii hoggaamiyaashii Iiraan

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ka hadlay waxa uu ku tilmaamay “xad-dhaaf” ka dhacay beegsiga hoggaamiyeyaasha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

    “Waxaa laga yaabaa inaan si xad-dhaaf ah uga falcelinnay hoggaamiyeyaasha Iiraan, sababtoo ah hadda ma garanayno cidda aan la macaamilayno,” ayuu sheegay isagoo la hadlayey taageerayaashiisa isu-soo-bax olole siyaasadeed oo xalay ka dhacay gobolka Ohio.

    Wuxuu ula jeedaa hoggaamiyihii hore iyo saraakiil sare oo ka tirsanaa Jamhuuriyadda Islaamiga ah, kuwaas oo lagu dilay dagaalkii ay Israa’iil iyo Mareykanku ku qaadeen Iiraan.

    Trump ayaa aaminsan in dilka dhowr hoggaamiye oo sare oo ka tirsanaa Iiraan uu adkeeyay dadaallada lagu aqoonsanayo dadka ay tahay in Mareykanku kala xaajoodo Iiraan.

    Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka, JD Vance, ayaa horay wareysi uu siiyay wakaaladda wararka ee Reuters ku sheegay in Washington aysan weli hubin sida go’aannada looga gaaro heerarka hoggaanka Iiraan.

    Isu-soo-baxa, Trump wuxuu sidoo kale yiri: “Iiraan looma oggolaan doono inay hesho hub nukliyeer ah,” isaga oo dalkaas ku tilmaamay “dowlad taageerta argagixisada.”

  14. Trump: Waxaan aaminsanahay in Putin uu heshiis la gaarista Zelensky aad u doonayo

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ay ku heshiiyeen xabbad-joojin dhinaca tamarta ah, kadib markii uu isaga ku amray in ay sidaas sameeyaan.

    Isaga oo ka hadlayay hirgelinta heshiiska xabbad-joojinta tamarta ee uu ku dhawaaqay in ay Ruushka iyo Ukraine gaareen, ayuu Trump yiri: “Way ku heshiiyeen. Ma garanaysaan sababta? Sababtu waa inaan ku iri, ‘Waa inaad heshiisaan.’ Taas ayaana keentay.”

    Trump ayaa sidoo kale sheegay in, aragtidiisa, Putin uu heshiis la gaarista Ukraine uga baahi badan yahay in ka badan Zelensky.

    “Waxaan u malaynayaa in Putin uu heshiis doonayo in ka badan Zelensky. Waxaan aaminsanahay in Putin uu heshiis doonayo, waana inaan Zelensky ku qancinno inuu isaguna heshiis doonayo,” ayuu yiri Trump.

    Markii la weydiiyay in Ruushku uu jebiyay heshiiska xabbad-joojinta tamarta ee uu ku dhawaaqay, Trump wuxuu ku jawaabay in “labada dhinacba ay jireen xadgudubyo”.

    “Putin iyo Zelensky waxay doonayaan inay heshiis gaaraan, balse ma garanayaan sida loo sameeyo. Hase yeeshee, waxaan ku khasbi doonnaa inay heshiis gaaraan,” ayuu intaas ku daray madaxweynaha Maraykanka.

    Trump ayaa hadalkan u sheegay wariyeyaasha ka hor inta uusan u ambabixin gobolka Ohio, halkaas oo uu ka qaybgalayay isu-soo-bax olole doorashooyinka dhexe ee Maraykanka.

    Warar dheeraad ah

  15. Madaxweynihii hore ee Congo, Joseph Kabila, oo loo magacaabay hoggaamiyaha dhaqdhaqaaq cusub oo siyaasadeed iyo milatari

    Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Joseph Kabila, ayaa loo magacaabay hoggaamiyaha dhaqdhaqaaq cusub oo siyaasadeed iyo milatari, sida lagu sheegay bayaan Isniintii laga akhriyey magaalada Goma ee bariga dalkaas.

    Kooxdan oo loo yaqaan Jabhadda Dib-u-dhiska Qaranka (FRN), ayaa sheegtay in ay aasaaseen dad isku raacay in ay mideeyaan awooddooda iyo kheyraadkooda, si ay ugu shaqeeyaan hannaan mideysan.

    Bayaan uu akhriyey Claude Ibalanky, oo hore u ahaa la-taliye sare iyo ergey gaar ah oo madaxweyne Félix Tshisekedi ah, balse hadda ku biiray dhaqdhaqaaqan, ayay aasaasayaashu ku sheegeen in ujeeddadoodu tahay in ay dalka “xoreeyaan”.

    Bayaanka ayaa tixraacay qodobka 64-aad ee dastuurka Congo, kaas oo dhigaya in muwaadiniintu waajib ku tahay in ay ka hortagaan qof ama koox awoodda dalka xoog ku qabsata ama ku maamusha si ka hor imaanaysa dastuurka.

    FRN ayaa isku qeexday dhaqdhaqaaq siyaasadeed iyo milatari oo ujeeddadiisu tahay in la mideeyo waxa ay ugu yeertay “xoogagga mucaaradka”, si loo soo afjaro waxa ay ku tilmaantay talisnimo, loona dhiso nidaam siyaasadeed oo cusub.

    Bayaanka ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqu uu ujeeddadaas ku gaari doono “dhammaan hababka suurtagalka ah, oo ay ku jirto adeegsiga xoogga”.

    Aasaasayaashu waxay sidoo kale ku dhawaaqeen qaab-dhismeed hoggaamineed oo ku-meel-gaar ah, iyaga oo si wadajir ah Joseph Kabila ugu doortay hoggaamiyaha FRN, inta laga dhammaystirayo dhismaha hay’adaha ururka.

    Kabila ayaa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo hoggaaminayey intii u dhaxaysay 2001 iyo Janaayo 2019, markaas oo Félix Tshisekedi uu xukunka la wareegay kadib doorasho muran dhalisay.

    Sanadihii u dambeeyay, Kabila si dhif ah ayuu uga soo muuqday fagaarayaasha, hase yeeshee waxa uu si cad uga soo horjeeday maamulka madaxweynihii isaga beddelay.

    Mas’uuliyiinta dowladda ee Kinshasa ayaan weli wax war ah ka soo saarin dhismaha FRN.

    Warar dheeraad ah

  16. Sacuudiga oo baaraya fashilka difaaca cirka kadib weerarro dhimasho sababay oo lagu qaaday garoonka Riyadh

    Warar ayaa sheegaya in Sacuudigu uu baaritaan ku bilaabay fashilka nidaamyadiisa difaaca cirka, kuwaas oo ku guuldarreystay in ay qabtaan gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay Xuutiyiinta Yemen soo rideen.

    Xuutiyiinta Yemen ayaa maalmihii u dambeeyay saddex weerar oo dhimasho sababay ku qaaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Riyadh.

    Wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa soo xigatay laba mas’uul oo gobolka ka tirsan oo sheegay in baaritaannadii hordhaca ahaa ay muujinayaan in Xuutiyiintu marka hore soo direen dhowr diyaaradood oo aan duuliye lahayn, si ay waddada ugu xaaraan gantaallada nooca loo yaqaan cruise iyo ballisti-ga, kuwaas oo markaas ka gudbay difaaca cirka oo ku dhacay garoonka diyaaradaha.

    Mid ka mid ah mas’uuliyiinta ayaa sheegay in ujeeddo kale oo baaritaanku leeyahay ay tahay in la ogaado sababta nidaamyada difaaca cirka aysan digniino hore uga bixin weerarradaas.

    Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee caasimadda Sacuudiga ayaa la xiray ilaa ugu yaraan Sabtida, 17-ka Oktoobar, kadib weerarrada. Shirkadaha diyaaradaha ayaa sidoo kale hakiyay duullimaadyadii ay ku tagi jireen Riyadh.

    Warar dheeraad ah

  17. Garsoorka Iran oo dacwad ku soo oogay 97 qof oo lala xiriiriyay waxa uu ku tilmaamay “dambiyo dagaal” oo ay geysteen Maraykanka iyo Israa’iil

    Afhayeen u hadlay garsoorka Iran ayaa sheegay in xafiiska xeer-ilaalinta Tehran uu baarayo waxa uu ku tilmaamay “dambiyo dagaal” oo ay geysteen Maraykanka iyo Israa’iil.

    Cali Kazemi ayaa yiri: “Waxaa dacwad lagu soo oogay kiisaska la xiriira dagaalladii labaad iyo saddexaad ee nalagu soo rogay, kuwaas oo ku saabsan khasaaraha loo geystay Hay’adda Tamarta Atomikada Iran.”

    Afhayeenka garsoorka ayaa sheegay in labada kiisba ay ku jiraan 97 eedeysane.

    Dadkaas waxaa lagu soo oogay eedeymo ay ka mid yihiin “musuqmaasuq dhulka ka jira, amniga oo la wiiqay, ku xadgudubka kheyraadka qaranka, iyo burburinta iyo gubista hanti dadweyne oo qiimaheedu gaarayo 15 bilyan oo doollar.”

    Warbaahinta Iran weli ma aysan baahin magacyada dadka dacwadaha lagu soo oogay.

    Warar dheeraad ah

  18. Abiy Axmed iyo Netanyahu oo ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo xaaladda gobolka

    Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in uu wada-hadal taleefan oo uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ku tilmaamay mid miro-dhal ah.

    Farriin uu ku baahiyay bartiisa X, ayuu Abiy Axmed ku sheegay in ay ka wada hadleen hirgelinta xiriirka laba geesoodka ah iyo arrimaha muhiimka ah ee ka taagan gobolka.

    “Waxaan wada-hadal miro-dhal ah oo taleefan kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, kaas oo aan kaga wada hadalnay hirgelinta xiriirka labada dal iyo xaaladaha muhiimka ah ee gobolka,” ayuu qoray Abiy Axmed.

    Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha ay danaha wadajirka ah ka leeyihiin.

    Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa farriin uu ku baahiyay bartiisa bulshada ku sheegay in wada-hadalkii taleefanka ee uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, uu diiradda saaray xiriirka labada dal iyo xaaladda gobolka.

    Si kastaba ha ahaatee, Abiy Axmed faahfaahin dheeraad ah kama bixin waxyaabihii ay labada hoggaamiye ka wada hadleen.

    Wada-hadalkan ayaa dhacay xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha milatari ee u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea.

    Itoobiya ayaa warqad ay u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku eedeysay Eritrea in ay ciidamo u soo dirtay gudaha xuduudaheeda.

    Warar dheeraad ah

  19. Sidee Ilhaan Cumar uga falcelisay baaritaankii lagu sameeyey gurigeeda

  20. Trump: Ma aaminsani in Shiinaha iyo Ruushku ay Iran caawin doonaan

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan aaminsanayn in Shiinaha iyo Ruushku ay Iran ka caawin doonaan dagaalka, isaga oo sheegay in haddii ay caawiyaan ay taageeradoodu noqon doonto mid aad u kooban.

    Farriin uu ku baahiyay bartiisa bulshada ee Truth Social, ayuu Trump ku qoray in haddii Shiinaha iyo Ruushku ay Iran caawiyaan, taageeradaasi ay noqon doonto mid heerkeedu aad u hooseeyo, balse uusan rumaysnayn in ay sidaas samayn doonaan.

    Waxa uu intaa ku daray in labada dal ay wax badan lumin karaan haddii ay tallaabadaas qaadaan, isla markaana Mareykanku si degdeg ah u ogaan doono haddii ay dhacdo.

    Trump ayaa bishii July sheegay in Shiinaha iyo Ruushku aanay Iran ka caawin doonin dagaal, isaga oo xilligaas uga digay in haddii ay sidaas sameeyaan ay cawaaqib xun kala kulmi doonaan.

    Warar dheeraad ah