Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.

Igu celi boggaga ugu weyn

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Qiimaha shidaalka oo gaaray $110 markii ugu horeysay

    Qiimaha saliidda ayaa gaaray $110 halkii foosto, waana markii ugu horreysay tan iyo bishii Maarso.

    Sida ay sheegeen falanqeeyayaasha dhaqaalaha, kor u kaca qiimahan ayaa ka dhashay walaac laga qabo xiisadaha sii kordhaya ee Bariga Dhexe.

    Maalintii Jimcaha, qiimaha saliidda cayriin ee nooca Brent ayaa kor u kacay $3.94, isagoo gaaray $109.86; waana heerka ugu sarreeya tan iyo 19-kii bishii Maajo.

    Dhanka kale, qiimaha saliidda cayriin ee Mareykanka (oo loo yaqaan WTI) ayaa isna kor u kacay $3.44, wuxuuna gaaray $101.41; taas oo ah heerka ugu sarreeya tan iyo 17-kii bishii Sebtembar.

    Si aad wax badan u akhrido:

  2. Afhayeenkii cusbaa ee Aqalka Cad oo is casishay shan maalmood uun kadib

    Katie Zacharia ayaa ka tagaysa xilka afhayeenka Aqalka Cad, shan maalmood oo keliya kadib markii ay markii ugu horreysay si rasmi ah warbaahinta ula hadashay, iyadoo kulankaasi uu dhaliyey dhaleeceyn xooggan.

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu Zacharia kula taliyey inay xilka dib uga fiirsato haddii aysan ku qanacsanayn, isaga oo sheegay in warbaahintu si adag ula dhaqantay.

    Kulankeedii ugu horreeyay ee warbaahinta Talaadadii ayaa socday wax ka yar 15 daqiiqo, waxaana lagu weydiiyey saddex su’aalood oo keliya. Waxay sidoo kale wajahday su’aalo ku saabsan aqoontooda iyo u diyaargarowgeeda xilka.

    Muran xooggan ayaa ka dhashay shahaadooyinkeeda sharciyeed kadib markii la ogaaday inaysan ku guuleysan imtixaanka qareennimada ee Mareykanka, inkastoo Trump iyo dad kale ay hore ugu tilmaameen qareen.

    Zacharia ayaa Khamiistii qiratay inaysan imtixaankaas ka gudbin, balse waxay sheegtay inay Shiinaha kaga shaqeysay arrimaha sharciga ganacsiga caalamiga ah iyadoo haysata aqoontii iyo shahaadooyinkii ku habboonaa.

    Wareysiyo ay siisay Fox News ayay ku sheegtay in loo shaqaaleysiiyey arrimaha xiriirka iyo isgaarsiinta, ee aan loo qorin shaqo sharciyeed.

    Dhanka kale, xisbiga Dimuqraadiga oo ka faa’iidaysanaya bixitaankeeda, iyagoo u arka calaamad muujinaysa fashil ka dhex jira Aqalka Cad ee Jamhuuriga.

    Bixitaanka Zacharia ayaa noqonaya kii ugu dhaqsiyaha badnaa ee ka dhaca kooxda warbaahinta ee Aqalka Cad intii uu Trump xilka hayey. Xilligii madaxweynenimadiisii koowaad, Anthony Scaramucci ayaa xilka agaasimaha isgaarsiinta Aqalka Cad kaga tagay kaddib 10 maalmood.

    Si aad wax badan u akhrido:

  3. Trump oo hakiyey canqabataynno la saari lahaa Ruushka

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa adeegsaday awooddiisa madaxweynenimo si uu u hakiyo cunaqabataymo dhowr ah oo ka dhan ah Ruushka, laba maalmood ka hor inta aan la dhaqan gelin.

    Cunaqabataymahan waxaa ansixiyey Kongareeska Mareykanka, waxaana Trump saxiixay bishii Sebtembar. Hase yeeshee, habeenkii Jimcaha ayuu soo saaray amar madaxweyne oo uu ku sheegay in hakinta qaar ka mid ah cunaqabataymaha ay tahay mid dan u ah Mareykanka. Tallaabadan ayaa dhalisay dhaleeceyn uga timid qaar ka mid ah xildhibaannada Mareykanka.

    Go’aankan ayaa imanaya iyada oo uu sii xoogaysanayo khilaafka u dhexeeya Trump iyo Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, gaar ahaan heshiis muran dhaliyey oo Mareykanku toddobaadkii hore Ruushka kula galay soo dejinta naaftada.

    Labada hoggaamiye ayaa toddobaadkan is-weydaarsaday hadallo kulul. Zelensky ayaa si dadban u dhaliilay Trump, isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka mid noqdo “hoggaamiyeyaasha dhabta ah” intii uu ka qaybgalayey shir madaxeedka Midowga Yurub. Tani waxay timid kaddib markii Trump uu sheegay in Zelensky uu ka adag yahay la macaamilkiisu marka loo eego Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

    Sharciga cusub ee cunaqabataymaha Mareykanka ayaa sidoo kale Trump siinayey awood uu canshuur gaadheysa 100% ku soo rogi karo badeecadaha ka yimaada shanta dal ee ugu badan ee iibsada shidaalka iyo gaaska Ruushka, gaar ahaan Shiinaha iyo Hindiya.

    Cunaqabataymaha ayaa sidoo kale lagu beegsaday mas’uuliyiin sare oo Ruush ah, oo uu ku jiro Putin, hay’adaha maaliyadeed ee Ruushka iyo maraakiibta loo yaqaan “shadow fleet” ee loo adeegsado in lagu hareer maro cunaqabataymaha jira.

  4. Subax wanaagsan, ku soo dhawaada tebinteenna tooska ah. Waa maalin sabti ah, bisha October ay tahay 17. Halkan nagala socda, mahadsanidiin.

  5. Bukaano silsilado lagu xiray oo laga soo badbaadiyay goob dhaqan celin oo sharci darro looga shakisan yahay

  6. Eedayn la xiriirta falal anshax-xumo ah oo ka dhacay Masaajidka Makka: Nin iyo haweeney u dhashay Bangladesh oo lagu xukumay dil

  7. Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday markabka Çağrı Bey, oo Soomaaliya ka wada hawlaha qodista shidaalka

    Qoraal iyo sawirro wadajira oo la soo dhigay barta Facebook ee madaxtooyadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu kormeer ku tagay markabka Çağrı Bey, oo Turkigu leeyahay kaas oo howlo shidaal qodis ah ka wada biyaha Soomaaliya.

    “Madaxweynaha ayaa khubarada iyo mas’uuliyiinta markabka ka dhageystay warbixin ku saabsan shaqada la qabtay, natiijooyinka laga gaaray howlaha qodista shidaalka iyo guulaha horudhaca ah ee muuqda, kuwaasi oo qayb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo khayraadka shidaal ee ku jira biyaha Soomaaliya.”ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia.

    Markabka Çağrı Bey, ayaa bartamaha sanadkan soo gaaray Soomaaliya.

    Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga ayaa imaatinkiisii xilliaas ee markabka ku tilmaamay mid "howl taariikhi ah", taasoo ah bilowga howlgalkii ugu horreeyay ee ay Ankara ka sameyso qodista shidaalka ee badda hoosteeda.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  8. Pope Leo oo talefoonka kula hadlay madaxweynaha Ruushka Putin

    Vatican-ka ayaa sheegay in Pope Leo uu khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin.

    Vatican-ku wuxuu sheegay in Pope Leo, uu muujiyay walaac weyn oo ku saabsan xaaladda bani’aadantinimo ee magaalada Oleshky, oo ku taalla gobolka Kherson ee koonfurta Ukraine, kana mid ah dhulka uu Ruushku haysto.

    Wuxuu Putin ugu baaqay inuu oggolaado xabbad-joojin ka dhaqan gasha aaggaas, si dadka deegaanka loogu suurtageliyo inay si ammaan ah oo ikhtiyaarkooda ah uga baxaan, isla markaana loo gaarsiiyo cunto iyo dawooyin.

    Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha, Volker Türk, ayaa isaguna baaq la mid ah jeediyay, isaga oo xaaladda magaalada Oleshky ku tilmaamay mid “aad u daran oo quus laga taagan yahay.”

  9. 25 dal oo qofka baasaboor Soomaaliga wata uu Visaha ku qaadanayo garoonkooda

    Wixii ka dambeeyay markii uu bishan January horaanteedii soo baxay liiska kala sarreynta baasaboorrada caalamka, waxay u muuqataa in ay sii badanayaan tirada dalalka soo dhaweynaya baasaboorka Soomaaliya, sida ay shaaciyeen hay’ado kala duwan oo u guul gala qiimeynta aqoonsiyada dal-ku-gal-ka.

    Hay’adaha Reach Immigration iyo Passport Index ayaa soo saaray liis ay isku waafaqsan yihiin oo ah ku sheegeen dalalka u fasaxaya qofka heysta baasaboorka Soomaaliya in uu kasoo dago garoonkooda.

    Waddamadaas oo gaaraya ilaa 25 ayaa qofka aqoonsiga Soomaaliya wata ka doonaya in uu visaha ama dal-ku-gal-ka ku qaato garoonka, marka uu diyaaradda kasoo dago ka dib.

    Dalalkan ayaa ka duwan kuwa ay Soomaalidu ku aadi karaan visa la’aanta ama aan wax oggolaansho ah looga baahneyn marka ay gudaha u galayaan.

    Liiska waddamada uu qofka aqoonsiga Soomaaliya ku safraya ka dagi karo garoonkooda diyaaradaha si uu uga dalbado visa waxaa uu u dhigan yahay sidan:

  10. War deg deg ah, Kenya oo ku dhawaaqday war culus

    Kenya ayaa xaqiijisay kiiskii saddexaad ee cudurka Ebola, oo ah nooca fayraska Bundibugyo.

    Bukaanka cusub waa haweeney 65 jir ah, taas oo xiriir dhow la leh labadii qof ee ugu horreeyay ee laga helay cudurka, isla markaana ay qaraabo dhow yihiin. Haweeneydan ayaa hore ugu jirtay karantiil, maadaama ay ka mid ahayd dadka xiriirka dhow la yeeshay bukaannadii hore.

    Sheekooyinka kale ee la xiriira Ebola aad sii akhrin karto.

  11. Madaxweynaha Ukraine oo difaacay weerarada ay ku hayaan warshadaha Ruushka xilli uu Trump ka xumaaday weeraradas

    Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay inuu “kaliya difaacayo danaha Ukraine”, kaddib dhaleeceyn kulul oo uga timid Donald Trump, kaas oo weerarrada cusub ee Kyiv ay ku qaadayso warshadaha sifaynta shidaalka ee Ruushka ku tilmaamay “wax laga xishoodo”.

    Madaxweynaha Mareykanka, oo dhowaan heshiis muran dhaliyay la galay Moscow oo ku saabsan soo dejinta naaftada, ayaa sidoo kale sheegay in la macaamilka Zelensky uu ka adag yahay kan Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin.

    Zelensky, oo ka carooday heshiiska naaftada, ayaa sheegay inuusan aqbali karin, maadaama heshiis gaas ah uu ku xigi karo. “Haddii aanan arrintan iska difaacin, yaa kale oo difaacaya?” ayuu ka yiri shir-madaxeed ay Midowga Yurub ku yeesheen magaalada Brussels.

    Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Kyiv ayaa sii xoogeysatay sababo la xiriira heshiiska naaftada iyo xannibaadaha lagu soo rogay shabakadda dayax-gacmeedyada ee Ukraine u isticmaasho dagaalka.

    Safarka Zelensky ee Brussels, oo xigay booqasho uu ku tagay London, ayaa yimid dhammaadka toddobaad uu la kulmay cadaadis siyaasadeed oo xooggan. Markii uu Jimcihii gaaray shirka, halkaas oo hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub ay muujiyeen taageeradooda, Zelensky ayaa sheegay inay wanaagsan tahay inuu dib ugu soo laabto xulafadiisa.

    “Hoggaamiyeyaal, hoggaamiyeyaal dhab ah,” ayuu yiri, hadal loo fasirtay inuu si dadban ugu durayay madaxweynaha Mareykanka.

    Shirka waxaa ajandaha ugu sarreeyay maalgelinta Ukraine iyo sidii looga caawin lahaa inay ka gudubto jiilaal kale oo aad u qabow. Kani wuxuu noqonayaa jiilaalkii shanaad tan iyo markii Ruushku duullaankiisa ballaaran ku qaaday Ukraine sannadkii 2022.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  12. Mamnuucidda xijaabka dugsiyada oo dhalisay dibadbaxyo dhif ah oo ka dhacay Azerbaijan iyo muran soo kala dhex galay dalkaas iyo Turkiga

  13. Muxuu yahay xanuunka ku dhacay ninkan ee uu uga digay ragga?

    Aabe laba carruur ah leh ayaa ku dhawaaday inuu carrabkiisa waayo ka dib markii buro yar oo daanka hoostiisa ka soo baxay ay isu beddeshay kansar.

    Anthony Perriam wuxuu u tagay Dhakhtarkiisa Guud ka dib markii uu markii ugu horreysay isku arkay buro, dhowr toddobaad ka dibna waxaa laga helay kansar madaxa iyo qoorta ah oo la xiriira fayraska HPV.

    HPV waa koox fayras oo caadi ah oo saameeya maqaarka oo aan dhibaato ku keenin dadka badankood, laakiin noocyada qaarkood waxay sababi karaan kansar ama burooyinka xubnaha taranka.

    "Waxaan waligay maqlayey oo keliya HPV oo la xiriira kansarka ilmo-galeenka. Ma aanan ogeyn inay sababi karto kansarro sidan oo kale ah, gaar ahaan ragga," ayuu yiri Anthony, oo ka yimid Cardiff, Wales.

    Anthony wuxuu intaa ku daray "Waxaan isku arkaa inaan nasiib leeyahay in aan weli wax cuni karo oo hadli karo, laakiin haddii aan arrintan sii dayn lahaa muddo dheer, waxaan lumin lahaa carrabka ama xitaa waa dhiman lahaa."

  14. Tirada maraakiibta lagu weeraray Marinka Hormuz oo gaartay heerkii ugu sarreeyey

    Tirada maraakiibta sheegay in lagu weeraray gudaha iyo hareeraha Marinka Hormuz ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay abid.

    Falanqayn ay samaysay BBC Verify, oo ku salaysan xog laga helay hay'ad badeed oo British ah, ayaa muujinaysa in 12 markab la weeraray toddobaadkii hore, intii u dhexeysay 5-tii iyo 11-kii Oktoobar.

    Tiradani waxay ahayd kala bar tiradii la diiwaangeliyay toddobaadyadii ugu horreeyay ee dagaalka Mareykanka iyo Israa'iil ay ku qaadeen Iran.

    BBC Verify ayaa sheegtay in kororka weerarradu u muuqdo isku day ay Iran ku doonayso inay gacanta ugu dhigto xakamayn dheeraad ah oo ku saabsan isu socodka maraakiibta ee Marinka Hormuz.

    Sababta ayaa ah in maraakiibta dagaalka ee Mareykanka ay sii kordhinayaan guulahooda ku aaddan galbinta maraakiibta booyadaha shidaalka ee marinkaasi mara, iyadoo mararka qaarkood ay suurtagashay in isu socodka shidaalku dib ugu soo laabto heerarkii ka horreeyay dagaalka.

  15. Toogasho ay carruuri ku dhimatay oo ka dhacday iskuul ku yaalla Maraykanka

    Toogashadu waxay dhacday abaare 13:00 duhurnimo ee Khamiistii, waxaana lagu weeraray dugsiga hoose ee Silver Rail Elementary School. Dadka dhintay waxaa ka mid ah saddex carruur ah oo jiray da'ada 5, 8 iyo 11 sano jir, iyo hal macallin, sida uu shalay sheegay Mike Krantz, taliyaha booliska magaalada Bend.

    Ilmo toddoba jir ah iyo macallin 54 jir ah ayaa sidoo kale la geeyay isbitaal ku yaalla deegaanka, iyaga oo qaba dhaawacyo halis ah.

    Booliska ayaa sheegay in loogu yeeray goobta kaddib markii qof uu soo wacay, isaga oo sheegay in rasaas lagu furay.

    Saraakiisha booliska ayaa sheegay in eedeysanuhu ahaa wiil 16 jir ah oo gudaha u galay dugsiga, kaas oo uu dilay qof goobta ka agdhawaa. Qofkaasi ayaa daba galay ilaa gudaha dugsiga, halkaasna ku toogtay.

    Dhammaan dugsiyada ku yaalla magaalada Bend ayaa maanta xiran, iyadoo mas'uuliyiintu sheegeen in bulshadu u baahan tahay waqti ay kaga soo kabato dhacdadan naxdinta leh.

    Waxaan filaynaa in mas'uuliyiintu ay warbixin bixiyaan saacadaha soo socda, waxaana halkan idiinku soo gudbin doonnaa wararkii ugu dambeeyay marka ay soo kordhaan.

  16. Saynisyahanno shaaca ka qaaday shan hab oo kaa dhigaya qof soo jiidasho badan

  17. Taageerayaasha Chelsea oo helay war aan wanaagsayn

    Kabtan-ka Chelsea Reece James, ayaa la filayaa inuu garoomada ka maqnaado muddo saddex bilood ah, kaddib markii qalliin looga sameeyay jilibka.

    Daafacan oo 26 jir ah ayaa dhaawacmay intii lagu jiray tababarka ka hor kulankii Chelsea ay 5-1 kaga badisay Bournemouth dhammaadkii toddobaadkii hore. Waxaa markaas la go'aamiyay in qalliin lagu sameeyo.

    James ayaa hadda la qaadanaya baxnaanin iyo daaweyn shaqaalaha caafimaadka ee Chelsea, mana jirto waqti cayiman oo loo asteeyay inuu garoomada ku soo laabto.

    Chelsea ayaa kulankeeda xiga ee Premier League u safri doonta Everton, ka hor inta aysan garoonkeeda ku soo dhoweyn kooxaha ay London ku xafiiltamaan ee Tottenham iyo Manchester United, kuwaas oo qayb ka ah kulamo adag oo soo socda. Labadaas kulan ee gurigeeda waxaa u dhexeyn doona kulan ay Liverpool kula ciyaari doonto tartanka Carabao Cup.

    James ayaa dhowrkii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay la kulmay dhaawacyo kala duwan, kuwaas oo sababay inuu seego dhowr tartan oo caalami ah oo uu xulka England ka qaybgalayay tan iyo Koobkii Adduunka ee Qatar 2022.

    Diiwaankiisa dhaawacyada ayaa si weyn u soo hagaagay xilli ciyaareedkii hore, taas oo u saamaxday inuu door muuqda ka qaato ololihii England ee Koobka Adduunka. Xulka England ayaa gaaray semi-finalka, ka hor inta uusan ku guuleysan kulankii lagu kala saarayay kaalinta saddexaad.

    James wuxuu ka mid ahaa ciyaartoydii isaga baxay waajibaadka xulka England intii lagu jiray fasaxii ugu dambeeyay ee ciyaaraha caalamiga ah. Fasaxa xiga ee ciyaaraha caalamiga ah ayaa bilaabanaya horraanta bisha Nofeembar, markaas oo England ay qorsheynayso inay garoonka Wembley kula ciyaarto Croatia.

  18. Maxaa ilaa hadda laga ogyahay baaritaanka kiis-ciqaabeedka Ilhaan Cumar

    Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa toddobaadkan baaritaan ku sameeyey guriga xildhibaanadda matasha gobolka Minnesota Ilhan Cumar, taasoo qayb ka ah waxa lagu tilmaamay "baaritaan dambiyeed heer federaal ah".

    Waaxda Caddaaladda ayaa sheegtay in maxkamad ay ansixisay amarka lagu galay guriga. Nooca dambiga la baarayo weli si cad looma oga.

    Baaritaankani wuxuu daba socdaa hadallo dhowr ah oo ka soo yeeray mas'uuliyiin, kuwaas oo shaki gelinaya dhalashada Mareykanka ee Ilhaan Cumar, taas oo ay heshay sannadkii 2000 markii ay ka timid dalka Kenya.

    Ilhaan Cumar, oo gobolka Minnesota matalaysay tan iyo sannadkii 2018, ayaa sheegtay in tallaabadan ay tahay "kororka ugu dambeeyay" ee "ololaha cabsigelinta siyaasadeed" ee uu wado Madaxweyne Donald Trump. Madaxweynaha ayaa beeniyay inuu wax lug ah ku leeyahay arrintan.

  19. War deg deg ah, Maamul cusub oo loo magacaabay gobolka Tigrey ee waqooyiga Itooboiya.

    Dowladda Itoobiya ayaa maamul ku-meel-gaar ah ka dhisaysa gobolka Tigray ee waqooyiga dalka, tallaabadan ayaa timid laba toddobaad kaddib markii ciidamada federaalku ay dib ula wareegeen caasimadda gobolka, Mekelle, isla markaana ay dib u riixeen ciidamada Eritrea oo muddo kooban galay qaybo ka mid ah Tigray.

    Maamulka cusub ee ku-meel-gaarka ah ayaa loo xilsaaray soo celinta amniga, dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha ee burburay iyo diyaarinta doorashooyinka gobolka.

    Tigray wuxuu ahaa xudunta dagaal ba'an oo intii u dhaxaysay 2020 illaa 2022 dhexmaray ciidamada federaalka Itoobiya iyo dagaalyahannada Tigrayga.

    Inkasta uu jiray muddo kooban oo ay Colaadda dhammaatay, kaidb heshiis nabadeed, balse khilaafaadka la xiriira awoodda siyaasadeed, hub-ka-dhigista iyo dib u soo celinta dadka barakacay weli lama xallin.

    Muddada lixda bilood ah ee loo asteeyay maamulka cusub ayaa dhalisay su'aalo ku saabsan in geeddi-socodka doorashooyinka iyo xil-wareejinta siyaasadeed ay aqbali doonaan dadka Tigrayga.

    Dhanka kale, xiisadaha sii kordhaya ee u dhexeeya Itoobiya iyo dalka deriska la ah ee Eritrea ayaa laga cabsi qabaa inay horseedi karaan in dagaallo hor leh ay ku fidaan xuduudaha dalalka, isla markaana ay ku lug yeeshaan dalal kale oo gobolka ku yaalla, taas oo sii xumayn karta xasillooni-darrada ka jirta Geeska Afrika.

  20. Milatariga Iiraan oo ku dhawaaqay shardi ay dib ugu furi karaan marinka Hormuz

    Mohammad Akraminia, afhayeenka milatariga Iran, ayaa shardi uga dhigay furitaanka Marinka Hormuz in Mareykanku ka baxo gobolka, isaga oo ka digay in haddii ciidamada Mareykanku ay sii joogaan gobolka, laga saari doono.

    Jimcihii, 14-ka Oktoobar, ayuu bartiisa bulshada ee X ku qoray: “Haddii Mareykanku ka baxo gobolka, Marinka Hormuz waa la furi doonaa, waxaa la dhisi doonaa amni wadajir ah oo ay ka qayb qaataan dalalka gobolka, dhaqaalaha adduunkuna wuu hagaagi doonaa. Xitaa haddii uusan bixin, annagaa ka saari doonna.”

    Afhayeenka milatariga Iran ayaa sidoo kale, hadallo kale oo ay warbaahintu baahisay, Mareykanka ku eedeeyay inuu sabab u yahay amni-darrada ka jirta dhinaca bari ee Marinka Hormuz. Waxa uu milkiilayaasha maraakiibta ugu baaqay inay isticmaalaan marin ay ciidamada qalabka sida ee Iran u asteeyeen maraakiibta doonaya inay maraan marin-biyoodkan.

    Waxa uu ku andacooday in maraakiibta isticmaasha marinkan ay ammaan ahaan doonaan.

    Hadalladan ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan weerarrada lagu qaadayo maraakiibta ganacsiga ee ku sugan gudaha iyo hareeraha Marinka Hormuz, isla markaana uu si weyn hoos ugu dhacay isu socodka maraakiibta ee marin-biyoodkan muhiimka ah.

    Dhammaadkii toddobaadkii hore, waxaa la diiwaangeliyay in Sabtidii ay marinka ka gudbeen shan markab oo xamuul ah oo keliya, halka aan wax markab ahi ka gudbin Axaddii. Tani waxay ka duwanayd 31-kii markab ee marinka ka gudbay dhammaadkii toddobaadkii ka horreeyay, sida ay muujinayaan xogta shirkadda Kepler ee la socota dhaqdhaqaaqa maraakiibta.

    Dhanka kale, Mareykanku waxa uu sii wadaa go'doominta badda ee uu ku hayo dhoofinta shidaalka Iran. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in dhoofinta saliidda cayriin ee Iran ee badda lagu qaado ay gaartay eber bishii Oktoobar, marka la eego xogtii la heli karay xilligii warbixinta la daabacay. Reuters ayaa soo xigatay shirkadda Vertexa oo bixisa xogta tamarta.

    Tehran ayaa hore u shaacisay in dib u furista Marinka Hormuz ay ku xiran tahay in Iran ay fuliso shuruudaheeda ku aaddan soo afjaridda khilaafka kala dhexeeya Mareykanka. Mohammad Baqer Qalibaf, afhayeenka Golaha Wadatashiga Islaamiga ah ee Iran, ayaa sheegay in Marinka Hormuz aanu furmi doonin ilaa Iran ay fuliso toddobada shuruudood ee ku xusan is-afgaradkii Islamabad.

    Marinka Hormuz waa mid ka mid ah marinnada ugu muhiimsan adduunka ee loo adeegsado gaadiidka tamarta. Ka hor intii aanu bilaaban dagaalkii Mareykanka iyo Israa'iil ay la galeen Iran bishii Febraayo ee sannadkan, qiyaastii shan meelood meel ka mid ah ganacsiga caalamiga ah ee saliidda iyo gaaska dabiiciga ah ee dareeraha laga dhigay (LNG) ayaa soo mari jiray marinkan.