Ku dhowaad 874,000 oo qof ayaa laga yaabaa in ay guryahooda ka barakacaan Soomaaliya saddexda bilood ee soo socda, daadad awgood. Waxaa arrintan ka digtay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), iyadoo webiyada oo fatahaadaya iyo roobab xooggan ay khatar ku yihiin bulshooyin horeba ula tacaalayay abaaraha iyo barakac soo noqnoqday.
“Waxaan ka cabsi qabnaa in boqollaal kun oo qof ay guryahooda ku waayaan muddo toddobaadyo ah. Qoysas badan ayaa hore u barakacay, mana haystaan wax badan oo ay ku tiirsanaadaan,” ayuu yiri Manuel Marques Pereira, madaxa IOM ee Soomaaliya.
Wuxuu intaas ku daray in weli ay jirto fursad lagu yareyn karo saameynta fatahaadaha, balse waqtigu sii dhammaanayo. Wuxuu ku baaqay in si degdeg ah loo helo dhaqaale lagu caawiyo dadka si ay u ilaashadaan guryahooda iyo ilaha ay noloshoodu ku tiirsan tahay, una gaaraan goobo ammaan ah marka loo baahdo, si looga hortago barakac kale.
Saadaal cusub oo ay soo saareen IOM iyo Golaha Qaxootiga Denmark (DRC) ayaa muujinaysa in 874,319 qof ay barakici karaan inta u dhexeysa bilaha Oktoobar iyo Diseembar. Fatahaadaha ayaa la filayaa in ay sababaan 92 boqolkiiba barakacaas.
Digniintan ayaa timid xilli Soomaaliya ay galeyso xilli-roobaad la saadaaliyay in roobabku ka badnaan doonaan heerka caadiga ah, iyadoo ay sii xoogeysanayaan xaaladaha cimilada ee El Niño.
Inkasta oo khatartu sii kordhayso, IOM waxay ilaa hadda heshay oo keliya 14.4 boqolkiiba lacagta loo baahan yahay, oo dhan 16.62 milyan oo doollar, si loogu diyaar garoobo loogana jawaabo fatahaadaha la xiriira El Niño.
Lacagtan ayaa loogu talagalay in lagu taageero in ka badan 517,000 oo qof oo ku nool deegaannada Soomaaliya ee u nugul fatahaadaha.
Calaamadaha fatahaadaha ayaa durba soo muuqanaya. Magaalada Doolow, webiga Jubba ayaa ku dhow heerka fatahaadda, halka webiga Shabeelle ee mara Jowhar uu kor ugu sii kacayo dhinacyada webiga.
Roobab xooggan oo ka da’ay Baydhabo ayaa durba waxyeelleeyay guryo, waxayna qoysas ku khasbeen inay ka cararaan xaafado dhowr ah.
Beledweyne iyo Gaalkacyo ayaa ka mid ah deegaannada ay fatahaaduhu khatarta ugu badan ku hayaan, iyadoo la saadaalinayo in ku dhowaad 229,000 oo qof ay halis ugu jiraan barakac Beledweyne, halka Gaalkacyo ay khatartu ku wajahan tahay qiyaastii 82,000 oo qof.
Wararka kale ee dheeraadka: