Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday
Tebin toos ah
Afarteeda addin ayey ku weyday xanuun ay ka qaadday xayawaan Soomaalida kula nool xaafadaha
Qoraalka sawirka, Caafimaad
Digniin: Qormadan waxaa ku jira muuqaallo laga yaabo in akhristayaasha qaarkood ay dhibsadaan
Ka dib 32 toddobaad oo isbitaal ay ku jirtay, dhawr goorna wadnaha looga soo booday, afarta addinna laga jaray, ayaa Manjit Sangha oo ka badbaadday xanuunka Sepsis waxay ugu dambayntii ku soo laabtay gurigeeda.
In kasta oo ay dhakhaatiirtu u malaynayeen in gabadhan 56 jirka ah ay runtii dhiman doonto, haddana waxay ka tagtay Ward 9 ee Moseley Hall ee Birmingham todobaadkii hore, iyada oo ka heshay soo dhawayn geesinimo leh qoyskeeda oo ku sugan Penn, oo ku taal xadka Wolverhampton/Staffordshire.
Dhakhaatiirtu waxay aaminsan yihiin in xanuunka haya ee Sepsis uu ka dhashay wax aan waxba galabsan oo aan laga shakin karin sida leef-leefka eygeeda oo meel yar ka jaray ama ka xoqay.
Ayadoo hadda soo kabanaysa, bilaabaysana inay dib u dhisto nolosheeda, ayaa waxay hadda doonaysaa inay uga digto dadka kale khatarta Sepsis, iyada oo aaminsan "inay ku dhici karto qof kasta".
WHO oo war ka soo saartay haweenaydii laga helay Ebola
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Kiis Ebola ah oo laga xaqiijiyey Nigeria
Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegtay inay weli
baadhayso halka ay haweeney laga helay cudurka Ebola ee Nigeria ka qaadday
fayraska.
Haweeneydan oo 42 jir ah, xaaladdeedana la sheegay inay soo
hagaagayso, ayaa horraantii bishan timid magaalada Abuja, kaddib markii ay in
ka badan laba toddobaad ku qaadatay Uganda.
Uganda ayaa sheegtay in haweeneydu ay sidoo kale u safartay
Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, halkaas oo markii ugu horreysay looga dhawaaqay
dillaaca cudurka bartamihii bishii May. Hase yeeshee, WHO ayaa sheegtay in
xogtaas aan weli la xaqiijin.
Saraakiisha caafimaadka ayaa dadaal degdeg ah ugu jira sidii
ay u aqoonsan lahaayeen dhammaan dadka xiriirka la yeeshay haweeneyda, si looga
hortago faafitaanka fayraska.
Ilhaan Cumar oo sheegtay in weerar 'aan caadi ahayn' oo lagu qaaday gurigeeda uu ku qasbayo inay gurigaas ka guurto
Warar hor leh oo laga helayo Sacuudiga kaddib weerrarkii Xuutiyiinta ku qaadeen
Wararka ka imanaya Sacuudi Carabiya ayaa sheegaya in
shirkadda shidaalka ee dowladda, Aramco, ay shaqaalaha ka daadgureysay
xarunteeda dhexe ee magaalada Dhahran ee bariga dalka, iyadoo ay sii socdaan
weerarrada Xuutiyiinta ee ka dhanka ah Sacuudiga.
Ilo xog-ogaal ah oo dhowr ah ayaa sheegay in shaqaalaha
xarunta dhexe ee Aramco lagu amray inay shaqada ka sii wataan guryahooda,
saacado uun ka dib markii laba qof lagu dilay weerar lagu qaaday garoonka
diyaaradaha ee King Fahd, kaas oo u adeega bariga Sacuudi Carabiya. Weerarka
waxaa sheegtay kooxda Xuutiyiinta ee ay taageerto Iiraan.
Dhanka kale, isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ee Yemen
kula dagaallamaya Xuutiyiinta ayaa sheegay inuu uu hawada ku
burburiyay afar diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo dul marayay
magaalada Riyadh iyo magaalada barakaysan ee Madiina.
Hay’adda Jarmalka
u qaabilsan kormeerka maaliyadda ayaa amartay in la kala diro lana soo afjaro
hawlaha laanta Hamburg ee Bangiga Dhoofinta Iiraan.
Laantan oo Jarmalka ka shaqaynaysay tan iyo sannadkii 1962
ayaa hore looga laalay ruqsaddii banginimo bishii Nofeembar 2025.
Wakaaladda wararka ee Reuters iyo wargeyska Jarmalka ee
Berliner ayaa sheegay in maxkamad ku taalla Hamburg ay shirkad qaabilsan
hawlaha xiritaanka u magacowday inay maamusho kala dirista laanta bangiga.
Hay’adda Jarmalka u qaabilsan kormeerka adeegyada
maaliyadeed ee Bafin ayaa sheegtay in ruqsadda Bangiga Saderat looga laalay
inuu jebiyay shuruudaha sharciga iyo inuu wax ka qaban waayay khaladaadkii iyo
cilladihii ay hay’adaha kormeerku ogaadeen.
Tani waa tallaabadii ugu dambeysay ee ka dhan ah bangiyada
Iiraan ee ka hawlgala Jarmalka.
Bishii Sebtembar, Bafin ayaa ku dhawaaqday in laanta
Frankfurt ee Bangiga Sepah, oo ay dowladdu leedahay, ay kacday.
Laanta Hamburg ee Bangiga Dhoofinta Iiraan ayaa ku hawlanayd
maalgelinta macaamillada ganacsi ee la xiriira Iiraan. Adeegyadeeda waxaa ka
mid ahaa xawilaadaha lacagaha, furitaanka waraaqaha amaahda, bixinta deynaha
iyo soo saarista dammaanadaha maaliyadeed.
Dhammaadkii sannadkii 2025, laantu waxay lahayd hanti
qiimaheedu gaarayay ku dhowaad 62 milyan oo Yuuro, waxaana u shaqaynayay 13
qof.
Go’aankan ayaa ku soo beegmaya xilli cadaadiska maaliyadeed
ee Iiraan uu sii kordhayo. Midowga Yurub ayaa bishii Sebtembar dib u soo
celiyay qaar ka mid ah xannibaadihii maaliyadeed ee Iiraan, kaddib markii dib
loo dhaqan geliyay cunaqabatayntii hore ee Qaramada Midoobay.
Maraykanka ayaa sidoo kale kordhiyay cadaadiska uu saarayo
bangiyada iyo hay’adaha maaliyadeed ee xiriirka la leh Iiraan.
Qaar ka mid ah mucaaradka Xasan Shiikh oo taageeray doorashada dowladiisu ka qabatay Galmudug ee ay horrey u dhaliileen
Xanuunka halista leh ee ay soo dadajiyaan waxyaabo ay Soomaalidu Isticmaasho
Xanuunka Istarooga ama dhan qalalku waa natiijo ka timaada waxyeelo maxkasda ah, kaas oo ku dhaci kara waqti kooban gudahiis. Waxaa suura gal ah in qofku dareeemo kabuubyo gacmaha iyo lugaha ah, iyo hadalka oo googa’aya taas oo u baahan inaa dhaqtar la xiriirto.
Xanuunkan ayaa ka dhex dhacaa maskaxda iyo xididida waraabiya, kuwaas sababa in xididadu xirmaan ama dilaacaan. Inta badan 85% waxaa keena xididada xirma oo ah kuwa ugu saamaynta xun, sida ay qabaan dhaqaatiirtu.
"Maskaxda waxay leedhaay unugyo yar yar oo nool oo loo yaqaano Neurons kuwaas waxaa loogu yeeraa askarta shaqaynaysa, waxaana lagu qiyaaso boqol bilyan oo unug balse waxaa ka badan kuwa iyaga ilaaliya ee ka shaqeeya ilaalinta kuwa shaqayna si ay u helaan daryeel," ayuu yiri Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo ka mid ah dhaqaatirta Soomaalida.
DHaqtar Gaboose ayaa sharraxay in guud ahaan unugyada maskaxda ay u sameysan yihiin qaab ay isku caawin karaan.
"Maskaxdu waxay ledahay kayd ka yar kuwa murqaha jirka oo haddii ay waydo dhiiga waxaa durba bilowda dhimashada xididada," ayuu yiri Dr Gabboose.
Hoggaamiyaha Cusub ee Galmudug oo BBC-da la hadlay kadib doorashadiisa maanta
Cabdiweli Ibraahim Garyare oo loo doortay hoggaamiye ku xigeenka Galmudug
Xigashada Sawirka, Baraha Bulshada
Qoraalka sawirka, Cabdiweli Ibraahim Garyare. hoggaamiye ku xigeenka maamulka Galmudug
Golaha wakiilada maamul gobleedka Galmudug ayaa waxay goor
dhaw u doorteen hogmaamiyaha ku xigeenka maamulkasi Cabdiweli Ibraahim Garyare.
Garyare oo horrey u ahaa Senator ka tirsan aqalka Sare ee
Soomaaliya ayaa sidoo kale horrey usoo noqday agaasime xigeenka hay’adda
duulista hawada Soomalaiya.
Cabdiweli Ibraahim Garyare, wuxuu muddo dheer ahaa wariye ka
soo shaqeeyey warbaahino kala duwan.
Wuxuuna helay 64 Cod, halka musharaxii la tartamayay
Cabdisataar Maxamed Geelle uu helay 20 Cod, sida uu shaaciyay guddoomiyaha
Golaha Wakiillada Galmudug oo ku dhawaaqay natiijada doorashada.
Tirada dadka ku dhintay weerarkii garoonka diyaaradaha Dammam ee Sacuudiga oo korodhay
Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay in tirada dadka ku dhintay weerarkii lagu qaaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee King Fahd ee magaalada Dammam ay gaartay laba qof, halka siddeed kalena ay ku dhaawacmeen.
Warbixin hore oo aan soo xigannay Hay’adda Duulista Rayidka ee Sacuudiga ayaa sheegtay in garoonka diyaaradaha King Fahd, oo ku yaalla bariga dalka, la weeraray fiidnimadii Arbacada.
Bayaan cusub oo ay soo saartay hay’addu ayaa lagu sheegay in dadka dhintay ay kala ahaayeen muwaadin Sacuudiyaan ah iyo muwaadin Hindi ah.
Sida bayaanka lagu sheegay, weli waxaa socda qiimeynta khasaaraha soo gaaray garoonka.
Ilaa hadda ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda weerarka.
Hay’adda Duulista Rayidka ee Sacuudiga ayaa sheegtay in weerarrada Xuutiyiintu ku hayaan garoomada diyaaradaha ee dalka ay sii xoogeysanayaan.
Toddobaadyadii la soo dhaafay, Xuutiyiintu waxay kordhiyeen weerarrada ay ku qaadaan kaabeyaasha shidaalka iyo xarumaha rayidka ee Sacuudiga.
Weerarradaasi waxay sababeen in la xiro garoonka weyn ee diyaaradaha Riyadh, sidoo kalena dib loo dhigo shir sannadle ah oo muhiim u ah maalgashiga dalka.
Sida laga soo xigtay tirakoob ay samaysay wakaaladda wararka ee AFP, 22 qof ayaa ku dhintay weerarro lagu qaaday garoomada diyaaradaha ee Sacuudiga 30-kii maalmood ee la soo dhaafay.
Imaaraadka Carabta oo haweeney diblomaasi ah u soo xulay tartanka xilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay
Xigashada Sawirka, mfa.gov.ir
Qoraalka sawirka, Lana Nusseibeh oo la taagan Majid Takht-Ravanchi, wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda ee Iiraan.
Imaaraadka Carabta ayaa Lana Nusseibeh, oo hore dalkiisa ugu matashay Qaramada Midoobay, u magacaabay musharrax u tartamaya xilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, si ay ugu beddesho António Guterres oo muddadiisa labaad ay ka harsan yihiin wax ka yar saddex bilood.
Lana Nusseibeh ayaa ah wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta, waxayna in ka badan toban sano dalkaas safiir uga ahayd Qaramada Midoobay.
Waxay sheegtay in xilli ay sii kordhayaan dhibaatooyinka caalamka, ay ka shaqayn doonto soo nooleynta doorka Qaramada Midoobay ee xal u helidda khilaafaadka iyada oo loo marayo diblomaasiyadda.
Haddii la doorto, Nusseibeh waxay noqon doontaa haweeneydii ugu horreysay ee qabata xilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Lix musharrax oo kale ayaa sidoo kale u tartamaya xilkan.
Wareegga hordhaca ah ee codbixinta musharraxiinta, Rebecca Greenspan oo u dhalatay Costa Rica ayaa hoggaanka u haysa.
Musharraxiinta kale waxaa ka mid ah Rafael Grossi oo u dhashay Argentina, ahna agaasimaha guud ee Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomikada (IAEA).
Maraykanka oo diblomaasiyiintiisa ku amray inay ka baxaan Sacuudiga
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Waxyeelada ak dhalatay mid ka mid ah weerarada
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa diblomaasiyiinta iyo qoysaskooda ku amartay inay ka baxaan Sacuudiga, sababo la xiriira halista weerarrada Xuutiyiintu ku qaadayaan dalkaas.
Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa sheegay in weerar diyaaradeed oo ay Xuutiyiintu ku qaadeen xarun shidaal laga soo saaro la fashiliyay.
Si kastaba ha ahaatee, laba qof ayaa dhintay markii diyaaradda aan duuliyaha lahayn ay burburtay. Nin kale ayaa lagu dilay weerar ka dhacay garoonka diyaaradaha ee King Fahad.
Dagaallada u dhexeeya kooxaha hubaysan ee Yemen, Xuutiyiinta uu taageero Iiraan iyo Sacuudiga ayaa sii xoogeysanayay tan iyo bishii hore.
Xuutiyiinta ayaa weerarrada Sacuudiga kaga jawaabaya weerarro ay ku qaadaan garoomada diyaaradaha, kaabeyaasha tamarta iyo saldhigyada milatariga.
Weerarkii dhowaan lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Riyadh ayaa la sheegay inuu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee dalkaas ka dhaca sannadihii u dambeeyay.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sheegay: “Wasaaraddu waxay shaqaalaha Maraykanka ee aan ka shaqayn xafiisyada xaaladaha degdegga ah ku amartay inay dalka ka baxaan iyaga iyo qoysaskoodaba.”
Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in dagaallada hadda socda ay si degdeg ah u sii xoogeysan karaan.
Siddeed qof ayaa la sheegay inay si daran ugu dhaawacmeen weerar lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee King Fahad.
Trump: Wadaxaajood hadda uma socdo Maraykanka iyo Iiraan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Trump
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa hadalkiisii ugu dambeeyay ku sheegay in aysan jirin wax wadaxaajood ah oo hadda u socda dalkiisa iyo Iiraan.
Markii wax laga weydiiyay in uu ka tanaasulay wadaxaajoodka Iiraan, ayuu ku jawaabay: “Iiraaniyiinta wadaxaajood lama wadno, balse arrintan waxaan gaari doonnaa gunaanad. Taasi waxay dhici doontaa dhawaan.”
Trump ayaa intaas ku daray: “Dadka badankoodu waxay qabaan in arrintani ay dhici doonto doorashada kaddib.”
Wuxuu ula jeeday doorashooyinka dhexe ee Maraykanka, oo dhowaan la qaban doono.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in dalkiisu “shaqo aad u wanaagsan” ka qabtay arrinta Iiraan, wuxuuna iska horimaadka labada dal ku tilmaamay “isku dhac yar oo Iiraan lala galay.”
Hadalka Trump ee ku saabsan wadaxaajoodka Iiraan ayaa imanaya xilli Asim Munir, oo ahaa dhexdhexaadiyihii ugu muhiimsanaa iska horimaadkii dhowaan dhexmaray Maraykanka iyo Iiraan, uu booqasho ku tagay Tehran.
Ka hor booqashadiisa, wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykanka, Sergei Lavrov, ayaa isaguna booqday Iiraan.
Muxuu Cudurka Ebola ku sameeyaa jirka qofka uu ku dhaco
Ciidanka badda ee Ilaalada Kacaanka Iiraan: Afar markab ayaa la weeraray Gacanka Faaris
Ciidanka badda ee Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa Khamiistii sheegay in afar markab oo ay ciidamadoodu “la socdeen oo ay kormeerayeen” la weeraray, isla markaana ay dab qabsadeen xilli ay shidaal ugu wareejinayeen markab kale, meel ku taalla waqooyiga bartamaha Gacanka Faaris.
Ciidanka badda ee Ilaalada Kacaanka ayaa bayaan ay soo saareen afarta markab ku tilmaamay kuwo sharciga jebiyay, iyagoo sheegay in ay mareen waddooyin aan sharci ahayn.
Iiraan waxay waddo sharci-darro ah u aragtaa marinka ay Cumaan ku dhawaaqday in maraakiibtu ka isticmaalaan dhinaca koonfureed ee Marinka Hormuz, kaas oo Maraykanku sheegay inuu sugayo ammaankiisa.
Qayb kale oo ka mid ah bayaankooda, ciidamada badda ee Ilaalada Kacaanka ayaa sheegay in saddex markab oo kale ay xalay shil galeen oo dab qabsaday, kaddib markii ay ku dhaceen miino taallay galbeedka Marinka Hormuz.
Waxay sidoo kale sheegeen in ku adkaysiga ciidamada Maraykanka ee ah in maraakiibtu maraan waddooyin ay ku tilmaameen kuwo si sharci-darro ah miinooyin loogu aasay ay sababtay kororka shilalka badda.
Dhammaadka bayaanka, ciidamada badda ee Ilaalada Kacaanka ayaa uga digay milatariga Maraykanka in haddii ay sii wadaan tallaabooyinka ay ku tilmaameen daandaansi, ay taasi horseedi karto jawaab ballaaran oo lagu qaado saldhigyadooda ku yaalla gobolka.
IOM oo ka digtay in in ka badan 800,000 oo qof ay Soomaaliya ugu jiraan khatar barakac ka dhalan kara fatahaado
Xigashada Sawirka, .
Qoraalka sawirka, Ku dhowaad 874,000 oo qof ayaa laga yaabaa in ay guryahooda ka barakacaan Soomaaliya
Ku dhowaad 874,000 oo qof ayaa laga yaabaa in ay guryahooda ka barakacaan Soomaaliya saddexda bilood ee soo socda, daadad awgood. Waxaa arrintan ka digtay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), iyadoo webiyada oo fatahaadaya iyo roobab xooggan ay khatar ku yihiin bulshooyin horeba ula tacaalayay abaaraha iyo barakac soo noqnoqday.
“Waxaan ka cabsi qabnaa in boqollaal kun oo qof ay guryahooda ku waayaan muddo toddobaadyo ah. Qoysas badan ayaa hore u barakacay, mana haystaan wax badan oo ay ku tiirsanaadaan,” ayuu yiri Manuel Marques Pereira, madaxa IOM ee Soomaaliya.
Wuxuu intaas ku daray in weli ay jirto fursad lagu yareyn karo saameynta fatahaadaha, balse waqtigu sii dhammaanayo. Wuxuu ku baaqay in si degdeg ah loo helo dhaqaale lagu caawiyo dadka si ay u ilaashadaan guryahooda iyo ilaha ay noloshoodu ku tiirsan tahay, una gaaraan goobo ammaan ah marka loo baahdo, si looga hortago barakac kale.
Saadaal cusub oo ay soo saareen IOM iyo Golaha Qaxootiga Denmark (DRC) ayaa muujinaysa in 874,319 qof ay barakici karaan inta u dhexeysa bilaha Oktoobar iyo Diseembar. Fatahaadaha ayaa la filayaa in ay sababaan 92 boqolkiiba barakacaas.
Digniintan ayaa timid xilli Soomaaliya ay galeyso xilli-roobaad la saadaaliyay in roobabku ka badnaan doonaan heerka caadiga ah, iyadoo ay sii xoogeysanayaan xaaladaha cimilada ee El Niño.
Inkasta oo khatartu sii kordhayso, IOM waxay ilaa hadda heshay oo keliya 14.4 boqolkiiba lacagta loo baahan yahay, oo dhan 16.62 milyan oo doollar, si loogu diyaar garoobo loogana jawaabo fatahaadaha la xiriira El Niño.
Lacagtan ayaa loogu talagalay in lagu taageero in ka badan 517,000 oo qof oo ku nool deegaannada Soomaaliya ee u nugul fatahaadaha.
Calaamadaha fatahaadaha ayaa durba soo muuqanaya. Magaalada Doolow, webiga Jubba ayaa ku dhow heerka fatahaadda, halka webiga Shabeelle ee mara Jowhar uu kor ugu sii kacayo dhinacyada webiga.
Roobab xooggan oo ka da’ay Baydhabo ayaa durba waxyeelleeyay guryo, waxayna qoysas ku khasbeen inay ka cararaan xaafado dhowr ah.
Beledweyne iyo Gaalkacyo ayaa ka mid ah deegaannada ay fatahaaduhu khatarta ugu badan ku hayaan, iyadoo la saadaalinayo in ku dhowaad 229,000 oo qof ay halis ugu jiraan barakac Beledweyne, halka Gaalkacyo ay khatartu ku wajahan tahay qiyaastii 82,000 oo qof.