Garsoore Federaal ah oo hakiyey qorshe Trump doonayey in la bilaabo

Xigashada Sawirka, Reuters
Garsoore federaal ah ayaa si ku-meel-gaar ah u hakiyay dhismaha taallada weyn ee qaansada u eg, ee 'Guusha" oo uu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump doonayo in laga dhiso caasimadda dalkaas.
Garsooraha Maxkamadda Degmada Mareykanka Tanya Chutkan ayaa go’aamisay in shaqada dhismaha taallada laga hakiyo muddo 14 maalmood ah, ka hor inta aan la bilaabin. Maamulka Trump ayaa horay u sheegay in dhismaha uu bilaaban karo toddobaadkan.
Horaantii Khamiistii, Guddiga Qorsheynta Caasimadda Qaranka (NCPC) ayaa 8 cod iyo 4 ku ansixiyay dhismaha taallada oo la qorsheeyay, taas oo dhererkeedu noqonayo 250 fiit (72 mitir).
Xubnaha guddiga ee uu Trump magacaabay ayaa sheegay in taalladu ay noqon doonto xusuus iyo maamuus ku habboon taariikhda Mareykanka iyo halyeeyadii dagaallada. Hase yeeshee, dadka ka soo horjeeda mashruuca ayaa ku doodaya in dhismaheedu uu qarin doono muuqaalka Qabuuraha Qaranka Arlington, oo ay ku aasan yihiin kumannaan askari iyo shaqaale ciidan oo Mareykan ah.
Ansixinta mashruuca ee fiidnimadii Khamiista ayaa timid kaddib ku dhowaad sagaal saacadood oo ay dadweynuhu aragtidooda ka dhiibanayeen.
“ Aqalka Cad wuxuu soo dhoweynayaa go’aanka Guddiga Qorsheynta Caasimadda Qaranka ee si buuxda loogu ansixiyay qorshaha taariikhiga ah ee Madaxweyne Trump, kaas oo ah dhismaha taallo weyn oo aad loogu baahan yahay magaalada Washington DC,” ayuu afhayeen u hadlay Aqalka Cad u sheegay BBC-da.
Weli lama oga goorta uu bilaaban karo dhismaha, maadaama ay jiraan dacwado maxkamadeed oo dhowr ah oo lagu doonayo in lagu hor istaago mashruuca.
















